Published on August 10, 2012 by Lucky (Gobolada Radio) Wararka naga soo gaaraya dalka koonfur Africa ayaa sheegaya in Maagalada Cape Town ee wadanka South Africa lagu dilay laba ruux oo Ganacsato Soomaali ah.
Ganacsatada la dilay ayaa ahaayeen kuwo iyago ku ganacsanayay mehred ganacsi ay ku lahaayeen Dalka South Afrika gaar ahaan Magaalada Cape Towan.
Mid ka mid ah Ganacsatada Soomaalida ee kunool Dalkaasi oo lagu magacaabo Daadir ciise ayaa warbaahinta u sheegay in ragga la dilay ay isla joogeen hal Dukaan ismarkaana lagu soo weeraray Bastoolado iyo Baangado si uu sheegay.
Dilkan loo geystay ganacsatadan Soomaalida ayaa waxa si kulul u canbaareeyey Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Wadanka Koofur Afrika, waxana uu qeyb ka noqonayaa dilalka loo geysto ganacsatada Soomaalida ah ee ku dhaqan Dalkaasi.
Codka Gobolada Dhexe
goboladaradio@hotmail.com