Published on August 9, 2012 by Dayax (Goboladaradio) Ciidamo ka tirsan DKMG Soomaaliya ayaa la sheegay inay dhac baahasn u gaysteen Kastamkii Canshuuraha ee degmada Afgooye.
C/fitaax Cali Yuusuf Gudoomiye ku xiggeenka dhinaca arrimaha dhaqaalaha ee Maamulka gobolka Sh/hoose ee dowladda KMG Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Ciidamo ka tisan Dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan gobolkaasi ay dhac u gaysteen Xaruntii Canshuuraha ee degmada Afgooye.
Gudoomiya ayaa tilmaamay in ragga waxa dhacay ay ahaayeen Ciidamo Milatari ah oo ka tirsan dowladda islamarkaana wuxuu carabka ku dhuftay in Ciidamada iyagoo ka warhaya in halkaasi ay tahay Xarunta Canshuuraha ay kula dhaqaaqeen dhaca sida uu hadalka u dhigay.

ma ahan marii ugu horeysay ee Ciidamo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya ay dhac kageystaan degmada Afgooye, iyadoona shacabka ku dhaqan degmadaasi ay kasoo yereso qeylodhan kala duwan.
Codka Gobolada Dhexe
goboladaradio@hotmail.com