Thursday, June 20th, 2013

Midowga Yurub oo sheegay in ay hoos u dheceen Sanadkan weerarada burcad badeeda

Published on August 9, 2012 by   ·   No Comments

Published on August 9, 2012 by Lucky  (Gobolada Radio) Wargeyska CS-monitoring oo ka faalooda arimaha Burcad badeeda ayaa sheegay in Bilihii June iyo July ee sanadkan ay ahaayeen waqtigii ugu xumaa ee soo mara burcad badeeda Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007 oo ay si weyn u soo shaac baxeen.

Warbixin uu qoray wargeyskan ayaa lagu sheegay in loo aaneynayo laba waxyaabood oo kala ah.

1. xilliga badxiranka oo ah xilli ay badaha ka kacaan dabeylo waaweyn kuwaas oo qatar galiya isu socodka maraakiibta taasina ay sababtay in doomihii ay ku qawleysan jireen la geeyo xeebaha inta laga baxayo bad xiranka.

2. in hawlgalada lagula dagaalamayo ay sii xoogeysteen, kuwaa oo fashiliyey weeararo burcad badeednimo oo dhowr ah.

Masuul ka tirsan xafiiska badaha caalamiga ah ee wadanka Britain ayaa sheegay ineysan ka dhicin bada cas iyo gacanka cadmeed Bishii June ilaa August falal burcad badeednimo.

Codka Gobolada Dhexe
goboladaradio@hotmail.com

Readers Comments (0)




IMAGE OF THE DAY

sh

LATEST HEADLINES


maalmaha ciida

Godinlabe

Godinlabe oo laga dareemayo Mashquul farabadan oo ku aadan Munaasabada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio) Iyadoo Maanta ay ku beegan tahay Maalintii labaad ee Munaasabada barakeysan ee Ciidul Adxaa waxa ...
ganooooley

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo shacabka Soomaaliyeed u diray hanbalyada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio)  Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey ayaa habalyada Munaasabada Ciidul Adxaa ...
DSC04922

Cadaado oo si weyn looga ciiday (Sawiro)

(Oct 26, 2012 Goboladaradio) Fagaaraha Weyn ee ku yaala Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ...