Published on August 9, 2012 by Dayax (Goboladaradio) Cumar Daahir oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu dhaliilay Qaabka haatan loo xulaayo Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Odayaasha dhaqanka oo uu ku sheegay in aysan aheyn qabka ay u Xulayaan mid wanaagsan oo cadsaaladu kujirto.
Mar uu saxaafada kulahadlaay magaalada muqdisho ayuu ku sheegay in Odayaasha Soomaaliyeed Gacanta loo Galshay ka Talinta ayaaha Dalka iyo Dadka loogana Fadhiyay in ay soo Xulaan Baarlamaan Cusub oo horseeda Xasiloonida Dalka ay Bilaaweyn in ay Musuq Maasuq iyo Iibsi ku Sameeyeen Kuraasta Baarlamaanka taasoo uu Xusay in ay ka qeylo Dhaaminayaan Beelaha Soomaaliyeed.
Aqoon yahanka ayaa intaasi raaciyay hadii ay sii socoto Musuq Maasuqa lagu sameeynayo Xulista Xubnaha Cusub ee ka mid noqonaya Baarlamaanka uuna la mid noqon doono kan hadda jira oo wax awod ah u laheyn la Xisaabtanka Hey’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya.
Mudooyinkii dabe ayaa waxaa soo badanaay cabashada kasoo yereysa qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed taasii oo ku aad qaabka loo soo xulaayo Xubnaha barlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Codka Gobolada Dhexe
goboladaradio@hotmail.com