Published on August 7, 2012 by Dayax (Gobolada Radio) C/wale maxamed cali gaas Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka in lasoo de dejiyo Liiska Xildhibaanada cusub ee badalaya kuwa haatan jira uuna sii idlaanayo waqtigooda.
Dr Gaas Casho sharaf oo uu u sameeyay Odayaasha dhaqanka ayaa waxa uu ugu baaqay Odayaasha dhaqanka inay soo de dejiyaan Liiska Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga gudbo xilliga Kalaguurka islamarkaana loo tallaabo dowlad cusub, isagoo Odayaasha dhaqanka kula ballamay inay soo xullaan Xildhibaano leh aqoon iyo karti ay waxna u qaban kara Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Dowladda KMG Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kullamo la qadanayay Odayaasha dhaqanka kuwaasi oo ka dalbanayay ansixinta Dastuurka kaddib inay soo de dejiyaan Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomalaiya.
goboladaradio.com
goboladaradio@hotmail.com