Monday, May 20th, 2013

Yuusuf Garaad oo sheegay inuu ka tegay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da

Published on August 7, 2012 by   ·   No Comments

Published on August 7, 2012 by Lucky (Gobolada Radio) Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa shaaca ka qaaday inuu ka ruqseystay shaqadii uu u hayey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da sheegayna inuu ka qeybqaadan doono xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Yuusuf Garaad ayaa warkan ku shaaciyey Bartiisa facebook-ga isagoo sheegay in uu 20 sano kaddib maanta xilkaas ka ruqseystay.“20 sano kaddib, waxaan maanta ka ruqseystay BBC World Service oon u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga, Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa, Allow noo sahal”ayuu bartiisa facebook-ga ku soo qoray Yuusuf Garaad.

Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa muddo dheer la soo shaqeynayay BBC World Service guud ahaan, gaar ahaanna Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, isagoo marka laga soo tago in uu ahaa madaxii Laanta uu dhanka kale ka mid ahaa Barnaamij soo saarayaasha iyo wariyayaasha ugu howl-karsan Laantaas.

Intii uu xilka madaxnimo ee Laanta Afka Soomaaliga hayay Yuusuf Garaad waxaa uu wax ka bedelay qaabkii shaqo ee laanta, isagoo sidoo kalena ku soo daray wariyayaal badan oo cusub, inkastoo ay xusid mudan tahay in ay shaqadii laanta ka tageen wariyayaal dhowr ah oo qaarkood iskood uga tageen, halka kuwo kalena ay meesha uga baxeen is-qabad ay is-qabteen Yuusuf Garaad.

Goboladaradio.com
goboladaradio@hotmail.com

Readers Comments (0)




IMAGE OF THE DAY

Daacadf

LATEST HEADLINES


maalmaha ciida

Godinlabe

Godinlabe oo laga dareemayo Mashquul farabadan oo ku aadan Munaasabada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio) Iyadoo Maanta ay ku beegan tahay Maalintii labaad ee Munaasabada barakeysan ee Ciidul Adxaa waxa ...
ganooooley

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo shacabka Soomaaliyeed u diray hanbalyada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio)  Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey ayaa habalyada Munaasabada Ciidul Adxaa ...
DSC04922

Cadaado oo si weyn looga ciiday (Sawiro)

(Oct 26, 2012 Goboladaradio) Fagaaraha Weyn ee ku yaala Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ...