Published on August 6, 2012 by Lucky (Gobolada Radio) Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dilkii habeen hore loogeystay Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho isagoona hay’adaha ammaanka ka dalbaday in cadaaladda la horkeeno kooxihii ka dambeeyay dilkiisa.
Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Dowladda KMG ah Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu horeyn uga taciyeeyey ehelladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Marxuum Ibraahim Iimaan Xalane oo ahaa Maareeyihii Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Waxana uu sheegay in looga baahan yahay Hay’daha ammaanka inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka Maareeyaha, isagoo carabka ku dhuftay in lagama maarmaan ay tahay in si deg deg ah cadaaladda loo horkeeno Kooxahaasi.
Habeen ka hor ayey ahayd markii Degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ay kooxo hubeysan ay ku dileen Maareeyihii Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Goboladaradio.com
goboladaradio@hotmail.com