Published on August 6, 2012 by Lucky (Goboladaradio) Maamulka gobolka Bay ee Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda soomaaliya oo ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.
C/fitaax Ibraahim Geeseey oo ah Guddoomiyaha gobolka Bay ee Dowladda KMG oo Warbaahinta kula hadlaay magaalad Baaydhabo ayaa waxa uu sheegay in kadib baaritaano dheer oo lagu sameeyay taliyaha qeybta booliska iyo taliyaha saldhiga magaalada baaydhabo islamarkaana xil kaqaadis lagu sameeyay.
Taliyihii hore ee qeybta booliska iyo Taliyihii hore ee Saldhiga Baydhabo xilka ayaa kaqaadnay qaaday, guddi ayaa ka katashaday arrinkaasi, baaritaanno dheer kaddib xilka waa laga qaaday, waxaana qaban doona xilalkooda Saraakiil kale oo katirsan dowlada KMK Soomaaliya sidaasi waxa yiri guddoomiyaha gobolka Bay ee Dowladda KMG Soomaliya.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ammanka Magaalada Baydhabo uu yahay mid aad u wanaagsan islamrkaaana leysku haleeykaro ciidamada dowladuna ay isko howlaan sugida amaanka magaaladaasi.
Ma ahan markii ugu horeysay oo saraakiil katirsan kuwa Ciidamada dowlada KMG soomaaliya xil kaqaadis lagusameeyo.
Goboladaradio.com
Goboladaradio@hotmail.com