Sunday, May 26th, 2013

Dhega badan oo sheegay in dad badani ay biyo la’aan dartii ugu geeriyoodeen deegaanka KM.50

Published on August 6, 2012 by   ·   No Comments

Published on August 6, 2012 by Lucky (Gobolada Radio) Abaan duulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega Badan) ayaa xili uu saxaafada lahadlayey waxa uu sheegay in ay Gaajo iyo biyo la’aan dartii ay dad farabadan ugu dhamaanayaan deegaanadii ay dhawaan qabsadeen.

Gen. Dhega Badan oo qaar ka mid ah warbaahinta qadka taleefonka kula hadlay ayaa sheegay in ku dhowaad 200-oo ruux ay oon iyo gaajo ugu geeriyoodeen deegaano hoosyimaada deegaanka KM-50 kadib markii sida uu sheegay ay Xarakada Al-shabaab sadax ceel oo ku taal KM 50 kala bexeen matooradii biyaha ka soo saarayay.

Abaan duulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Hay’addaha Samafalka iyo Dowladaba inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay dad kaasi ugu fidiyaan kaalmo biyo iyo raashiin isugu jirta.

Deegaanka Number 50 ee gobolka sh/hoose iyo deegaanada ku hareereysan ayaa waxa ku nool qoysas xoola dhaqato u badan.

Goboladaradio.com
goboladaradio@hotmail.com

Readers Comments (0)




IMAGE OF THE DAY

Sharukhan

LATEST HEADLINES


maalmaha ciida

Godinlabe

Godinlabe oo laga dareemayo Mashquul farabadan oo ku aadan Munaasabada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio) Iyadoo Maanta ay ku beegan tahay Maalintii labaad ee Munaasabada barakeysan ee Ciidul Adxaa waxa ...
ganooooley

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo shacabka Soomaaliyeed u diray hanbalyada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio)  Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey ayaa habalyada Munaasabada Ciidul Adxaa ...
DSC04922

Cadaado oo si weyn looga ciiday (Sawiro)

(Oct 26, 2012 Goboladaradio) Fagaaraha Weyn ee ku yaala Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ...