Thursday, June 20th, 2013

Dagaal qasaaro dhaliyey oo ka dhacay degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Published on August 6, 2012 by   ·   No Comments

Published on August 6, 2012 by Lucky (Gobolada Radio) Dagaal xoogan oo dhexeeya Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya oo garabsanaya ku wa Ethopia iyo Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo labadii dhinac ee dagaalamay ka mid ah, iyadoo la sheegay in tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo weerar ku qaaday degmadaas oo ay ka taliyaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ee is garabsanaya ayaa isku bedel dagaal culus oo khasaare badan dhaliyay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dagaalku uu shalay gallinkii dambe ka billowday meel duleedka ka ah degmada Xudur oo ay ku yaalleen saldhigyo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya lahaayeen, balse uu xalay la isla soo galay gudaha degmadaasi.

Illaa iyo iminka ma jiro dhinac sheegay khasaaraha kasoo gaaray dagaalka, wuxuuna ka mid noqonayaa dagaalkan weeraro Xarakada Al-shabab ay ku qaadayeen tan iyo billowgii bishan Ramadaan degmooyin iyo deegaanno ku yaalla gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Goboladaradio.com
goboladaradio@hotmail.com

Readers Comments (0)




IMAGE OF THE DAY

sh

LATEST HEADLINES


maalmaha ciida

Godinlabe

Godinlabe oo laga dareemayo Mashquul farabadan oo ku aadan Munaasabada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio) Iyadoo Maanta ay ku beegan tahay Maalintii labaad ee Munaasabada barakeysan ee Ciidul Adxaa waxa ...
ganooooley

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo shacabka Soomaaliyeed u diray hanbalyada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio)  Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey ayaa habalyada Munaasabada Ciidul Adxaa ...
DSC04922

Cadaado oo si weyn looga ciiday (Sawiro)

(Oct 26, 2012 Goboladaradio) Fagaaraha Weyn ee ku yaala Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ...