(Goboladaradio) Dowladda wadanka Shiinaha ayaa ugu deeqday shacabka soomaaliyeed lacag gaareysa 16 Million oo Dollar , taasoo ay sheegtay in ay ugu tala gashay shacabka soomaaliyeed oo ay daashadeen abaaraha dabadheeraaday.
Deeqdaani oo gaareysa 16 Million ayna ugu deeqday dowlada shiinaha shacabka soomaaliyeed ayaa lagu shaaciyey war Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada arimaha Dibadda ee dalka Shiinaha.
Doowladda dalka Shiinaha ayaa sheegatay in ay lacagtaani ku wareejisay Hey’adda WFB si ay ugaarsiiso shacabka soomaaliyeed waxaanaa la sheegay in ay Heyaddu u soo iibisay Soomaaliya ilaa 15,000 oo tan oo Raashin ah inay ka qeybin doonaan Gudaha dalka Soomaaliya.
Stefano Porrett oo ka mid ah masuuliyiinta Heyadda WFP ayaa waxaa uu sheegay in dowlada dalka shiinaha ay deeqdaani kusoo aadisay xili haboo ayna u baahayihii shacabka soomaaliya in xiligaani lacaawiyo maadaama ay ladaala dhacaan dhibaatooyin kala duwan.
goboladaradio.com
goboladaradio@hotmail.com