Published on August 5, 2012 by Lucky (Gobolada Radio) Ciidadmada dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta howlgalo dad lagu soo qaqabtay ka fuliyey degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hosose.
Hawlgalada oo ay ciidamadu ka sameeyeen Xaafadaha Waqooyiga Degmada Afgooye iyo meelo kale ayaa la sheegay in lagu soo qabtay dad dhac ka geeysanayey Degmadaasi.
Ciidamada Nabad Sugida iyo Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay 45-ruux oo qaarkood ku libisan Dharka ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, islamarkaana dhac ka geeysanayey Xaafadaha Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.
Hawlgalada ay Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya ay ka fuliyeen Degmada Afgooye ayaa ku soo aadaya xili mudooyinkii ugu danbeeyey ay soo badanayeen cabasho ku aadan falalka amaan dari oo ka soo baxayey shacabka ku dhaqan degmadaasi.
Goboladaradio.com
goboladaradio@hotmail.com