Published on August 5, 2012 by Lucky (Goboladaradio) C/raxmaan C/shakuur oo kamid ah Musharaxiinta u Taagan xilka madaxtinimo ee soomaaliya oo saxaafada kulahadlaay magaalada Muqdisho ayaa odoyaasha dhqanka kadalbaday inay soo xulaan barlamaaan tayo leh si looga baxo dhibaatada mudada 21 sano haysatay shacabka soomaaliyeed si loo gaaro hormar iyo deganaasho.
sidookale musharaxaani ayaa sheeay in xiligaan leysku diyaarinaayo sidii losoo xulilahaa barlamaan cusub Waxuuna Musharaxaani sheegay in ay u Muuqato in la isku Mashquulinayo Jagada Madaxtinimo oo kaliya.
C/raxmaan C/shakuur ayaa dhinaca kale Beeniyay hadal ka soo baxay Beesha Habar Gidir ee ahaa in Beesha u Taaganyahay hal Musharax,oona sheegay inaysan arimahaasi jirin islamarkaana uu u taagayahay musharaxnimadiisa.
Dhowaan ayeey aheyd markii hadal kasoo baxay gudiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka ka codsadeen odayaasha in aysan barlamaanka ku soo darin dadka dalka danbiyada ka galay.
Goboladaradio.com
Goboladaradio@hotmail.com