Sunday, May 26th, 2013

Mareykanka oo lagu eedeeysay in uu dhibaato ka geystay Soomaaliya

Published on July 25, 2012 by   ·   No Comments

Published on July 25, 2012 (MUQDISHO GRN):-QM ayaa ku eedeysay in diyaarado ay leedahay dowlada Mareykanka ay dhibaato ku hayaan dhulka Soomaaliya.

War ay soo saareen guddi gaar ah oo Q,M ka tirsan ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka ee kaligood is wada ee Maraykanku leeyahay ay carqalad ku noqdeen hawada Soomaaliya isla markaana ay qal qaliyeen diyaaradaha kale ee isticmaala hawada Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu xusay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka si aan kala joogsi laheyn u maraan guud ahaan hawada Soomaaliya gaar ahaan gobolada ay hadda gacanta ku hayaan Xarakadda Al-Shabab.

Wargeyska warbixintaan qoray ee Washington Post waxaa uu ku waramayaa in tirada diyaaradaahaan oo batay ay xataa keentay in mid ka mid ah ay Muqdisho kusoo dhacdo.

Gudigaan Q,M ka tirsan ee warbixintaan diyaariyay oo sheegay inay muddo baaritaan ku hayeen arrintaan waxay xuseen inay aad u kordheen diyaaradaha kaligood iswada ee Maraykanku hawada Soomaaliya ku soo firdhiyay.

info@goboladaradio.com
goboladaradio@hotmail.com

Readers Comments (0)




IMAGE OF THE DAY

Sharukhan

LATEST HEADLINES


maalmaha ciida

Godinlabe

Godinlabe oo laga dareemayo Mashquul farabadan oo ku aadan Munaasabada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio) Iyadoo Maanta ay ku beegan tahay Maalintii labaad ee Munaasabada barakeysan ee Ciidul Adxaa waxa ...
ganooooley

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo shacabka Soomaaliyeed u diray hanbalyada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio)  Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey ayaa habalyada Munaasabada Ciidul Adxaa ...
DSC04922

Cadaado oo si weyn looga ciiday (Sawiro)

(Oct 26, 2012 Goboladaradio) Fagaaraha Weyn ee ku yaala Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ...