Sunday, April 23rd, 2017
gobolada

Digtoreyso Sahra oo Mudo ku sugneeyd Degaanada Galmudug oo Maanta ka dhooftay Garoonka Diyaaradaha Cadaado.

Published on April 11, 2017 by   ·   No Comments

Dictoreyso Sahra Xasan Axmed kana mid ah Xubnaha Ugu sareeya Hay’adda Xayaad Foundation   oo mudo Bil ku dhawaad ah ku sugneed Degaano Badan oo hoos yimaada Galmudug State ayaa maanta ka dhooftay Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Dhaqtarada ayaa Xarun lagu Xanaaleeyo Dadka bukaanka ah ee liid-liita ka Sameeysay Magaalada Baxdo ee Gobolka Galgaduud waxna ahayd Mid ay dadka halkaasi Dagan si aad ah ay u soo dhaweeyeen

Sahra ayaa Booqatay Goobihii uu ka Dilaacay Cudurka Shuman Biyoodku ee ay ka midka ahaayeen Iidoole, Biyagaduud iyo Tuulo Sarmaan si ay uga qayb qaadato Wacyi galinta Bulshada loogana Caawiyo sidii ay u heli lahaayeen Biyo Nadiif ah oo ay Cabaan Maadaama loo Sababeeyay Shuban Biyoodka Biyo Wasaqa oo ay Dadkaasi Cabeen Waxna ay Gaarsiisay Goobahaasi Dawada lagu nadiifiyo Biyaha.

Digtoreyso Sahra Xasan Axmed ayaa dhaqaatiirta Degaanka La wadaagtay talooyin ku aadan Habka loola Macaamilo loona wajaho Bukaanadda kala duwan ee la keeno Goobaha Caafimaadka.

Dhanka kale Digtoreyso Sahra iyo Khurba joog kale ayaa waxa ay Biyo dhaamin iyo Cunta qaybin ka Sameeyeen Degaano Badan oo hoos yimaada Galmudug Waxana ay iskugu jirtay Cuntada ay qaybiyeen mid lasiinayo Xoolaha iyo tan dadka.

Share Up To 110 % - 10% Affiliate Program

Readers Comments (0)




IMAGE OF THE DAY

kenya-somalia-al-shabaab-story-top

LATEST HEADLINES


maalmaha ciida

aakhiro

Musharaxa utaagan qabashada xilka Rasulwasaaraha Soomaaliya Dr Cabdi xaashi Aakhiro.

Ayadoo dhawaan dalka doorashadii ka dhaxday  lagu doortay madaxweyne   shacabku aad u soo dhaweeyeen Mohamed Cabdullahi Farmaajo   lagana ...
DSC00442

Daawo sawirada Cadaado oo Maanta Siweyn looga Ciiday.

Xarun Goboleedka Maamulka Galmudug  ee  Cadaado ayaa ah mid  saakay Dadka ku nool waxa ay si wada jir ...
MADAXWAYNAHA-XIMIN-IYO-XEEB-TIICEEY

Madaxweynihii Hore Maamulkii Ximan iyo Xeeb Tiiceey oo ka hadlay xaaladiisa baaqna u diray reer Cadaado

Maxamed Claahi Macalin Adan (Tiiceey) madaxweynihii hore maamulkii Ximan iyo Xeeb ahna aas aasaha maamulkaasi oo isagoo ku ...
Close
Please support the site
By clicking any of these buttons you help our site to get better