Sunday, April 23rd, 2017
gobolada

AQRISO Maqaal laga Qoray Xaalada Maamulka Galmudug ee Daaladhacaya.

Published on March 11, 2017 by   ·   No Comments

Maqaalkan waxaa qoray Mid ka mid dadka ku xeesha dheer Xaalada Soomaaliya waxana lagu eegayaa  xaalada Dowlad Goboleedka Galmudug, iscasilaadii Madaxweynaha Guleed kadib, caqabadaha jira iyo fursadaha ka dhalan kara doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyadoona la raacinayo tallooyin ku aadan sida  xal loogu helikar.

Waxey aheyd 4tii July 2015 markii Cabdikarin Xuseen Guled loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka GalMudug oo weliba tartanka uu ahaa mid xasaasi ah oo gaaray wareega 3aad. Doorashadaas waxey timid markii baarlamaanka Dowlad Goboleedka oo ku yimid nidaam ay beelaha deegaanka ku qeybsadeen awooda ama kuraasta baarlamaanka iyo xilalkaba. Waxaa loo arkayey in deegaanada GalMudug ay adkeyd inay ku heshiiyaan qeybsiga kuraasta baarlamaanka, hase yeeshee waxaa la qiray in nidaamkaas uu ahaa kii ugu wanaagsanaa marka loo eego sida kuraasta ay u qeybsadeen baarlamaanada dowlad goboleedyada kale, marka laga reebo Puntland oo in muddo ah aheyd dowlad goboleed.

Walow doorashadii GalMudug ay aheyd mid tartan furan, haddan waxaa jirey faham ahaa in Dowladii hore ay aad u taageereysey musharaxnimada Abdikarin Xuseen Guuleed, tanoo keentay in markii la doortay ay yimaadeen caqabado waaweyn oo ay ka mid ahaayeen maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo ka horyimid, kooxaha Al-Shabaab oo heystay, welina heysta deegaano ka mid ah GalMudug, dhaqaale la’aan, iyo culeys gaar ah oo lagu hayey bacdamaa uu saaxiib aad u dhow la ahaa Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud. Si kasto oo ay ahaato, waxaa muuqatay in Cabdikarin uu aad u dadaalay, isla markaasna uu juhdi fara badan geliyey dhanka amniga, una suurtowday inay dagaal uga saaraan Al-Shabaab deegaanada qaarkood. Waxuu bilaabay dhisida hay’adaha dowliga ah ee Dowlad Goboleedka, dhismaha hay’adaha garsoorka iyo isku xirka Maxkamada Sare ee dalka, Xeer Ilaaliyaha Guud iyo GalMudug, dhisida dowladaha hoose ee deegaanada uu ka talinayey oo qaarkood doorasho ku yimid madaxda degmooyinkaas, iyo isagoo u soo hoyey deegaanka matalaad rasmi ah ee dhanka Madasha Madaxda Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale Abdikarin waxuu ku guuleystay in ganacsatada ay ka qeybqaataan dib u dhiska deegaanka oo ay bilaabatay dhismaha dekeda, dhimaha wadooyinka qaarkood iyo weliba isagoo soo jiitay qurbo-joogta deegaanka inay maalgeshi ku sameeyaan deegaanada GalMudug.

Si kastaba, Madaxweyne Cabdikarin oo caqabadaha jiray ay u dheereed qaliin dhanka wadnaha ah oo lagu sameeyey, ayaa ugu danbeyntii 26kii Feberaayo 2017 xilka Madaxweynaha GalMudug iska casilay caafimaad awgiis. Haddaba, maxaa la gudboon GalMudug si Dowlad Goboleedkaas u noqdo mid hirgala, u adeega bulshada isla markaasna kaalin wanaagsan ka qaata nidaamka Federaalka ee Soomaaliya? Caqabado fara badan oo jirana sidee xal loogu heli karaa?

Caqabadaha jira;

Caqabadaha heysta Dowlad Goboleedka GalMudug ayaa ah kuwo aad u fara badan oo u baahan xal waara si loo hirgeliyo nidaam dimoqraadiyad ah oo keena maamul wanaag iyo dardar-gelinta adeegyada bulshada. Caqabadaha la taaban karo ayaa waxaa ka mid ah dib-u-heshiisiinta Ahlu-Sunna Waljameeca ah, dib-u-heshiisiin siyaasadeed ee Dowlad Goboleedyada deriska la ah (Puntland iyo HirShabelle), joojinta dagaalada Gaalkacyo, dhaqaale la’aan, amniga iyo nabadeynta, xal u helida khilaafaadkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii xildhibaanada Qaran iyo xubnaha Aqalka Sare, dhismaha hay’adaha dowliga ah ee Dowlad Goboleedka iyo arrimo kale oo fara badan, sida gaarsiinta adeegyada ee bulshada deegaanka.

Caqabadahii horey u jirey ee keenay in Baarlamaanka xubno ka tirsan ay mooshin uga keeneen Madaxweynihii hore, waxaa muuqata in loo baahanyahay inaan lagu degdegin doorasho Madaxweyne iyadoo arrimahaas caqabadaha ah ee dhanka siyaasada ay jiraan, si looga fogaado khilaaf hor leh ama is-qab-qabsi horseeda colaado hor leh. Maamulka GalMudug waxaa laga rabaa inay fursado shaqo iyo rajo u abuuraan shacabka deegaanka, si ay u ogaadaan in Maamulka uu yahay mid uu shacabku leeyahay.

Fursadaha ka iman kara iscasilaada Madaxweynaha GalMudug

Cabdikarin Xuseen Guled waxuu qaatay tallaabo geesinimo leh oo uu isku casilay caafimaad dartiis. Sida dastuurka GalMudug u qabo, mar haddii uu Madaxweynahu is-casilo waa in Baarlamaanka ay doortaan Madaxweyne cusub. Haddaba si loo fuliyo waajibaadkaas dastuuriga ah, haddana waxaa u baahan in la is waafajiyo sidii doorashadaas u noqon laheyd mid shacabka deegaanka ay ku kalsoonaadaan si ay ugu sahlanaato Maamulkaas inuu guto waajibaadkiisa dastuuriga ah oo uu u adeego bulshada deegaanada GalMudug.

Fursadaha jira ayaa ah inay habboon tahay in doorashada laga qeybgeliyo dhammaan bulshada deegaanada GalMudug oo la sameeyo dib-u-heshiisiin lala galo Maamulka Ahlu Sunna Wal-jameeca, in khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay doorashooyinkii xildhibaanada iyo xubnaha Aqalka Sare ee GalMudug xal loogu helo oo wadatashi siyaasadeed la sameeyo. Fursada kale ee qaaliga ah ayaa ah bacdamaa isbedel ku yimid Madaxda Soomaaliya oo Madaxweyne Faramaajo uu helay kalsoonida shacabka in loo baahanyahay in fursad la siiyo oo ay Dowlada Federaalka ku fududeyso nidaamka doorashada GalMudug, si doorashadu u noqoto mid Soomaali hoggaamineyso oo iyadoo la isku quluub fayow yahay la qabto. Sidoo kale waxaa fursad weyn ah in loo baahanyahay in Puntland, HirShabelle iyo Dowladda Federaalka ay wadatashiyo sameeystaan oo ku aadan sidii ay GalMudug iyo Dowlad Goboladeeyada deriska la’ah u noqon lahaayeen Dowlad Goboleedyo ka wada shaqeeya danaha guud iyo weliba gaar ahaan arrimaha magaalada Gaalkacyo.

Bacdamaa Maamulka Ahlu Sunna Wal-jameeca ay si xoogan u taageereen Madaxweyne Farmaajo, isla markaasna Madaxda ASWJ lagu casuumay xafladii caleemasaarka ee Madaxweyne Farmaajo, waxaa muuqata in Dowlada Federaalka ay door weyn ka qaadan karto sidii dib-u-heshiisiin waarta loo dhex-dhigi lahaa ASWJ iyo GalMudug  iyo Beelaha Degaanka oo loo heli lahaa Dowlad Goboleed ay ku mideysan yihiin.

Gunaanad iyo Talo soo jeedin

Is-casilaada Madaxweyne Abdikarin Xuseen Guled waxey abuureysaa fursad weyn oo u baahan in si haboon looga faa’iideysto oo xal loogu helo caqabadaha soo jireenka ah. Sidoo kale waxaa jirta fursad weyn oo ay keeneyso isbedelka dalka ka dhacay oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ku noqday Farmaajo oo durbadiiba dhalisay taageerada shacabka, isla markaasna keentay in Ahlu Sunna ay sheegeen in ciidamadooda ay ku wareejinayaan kuwa Dowladda Federaalka iyo Madaxdooda oo lagu casuumay xafladii caleemasaarka ee Muqdisho ka dhacday.

Sidoo kale waxaa muuqda in khilaaf weyn uu ka dhexjiray xubnaha baarlamaanka GalMudug oo qaar waday mooshin iyo kuwo ka soo horjeeday. Khilaafkan oo ah mid siyaasadeed ayaa u baahan xal siyaasadeed oo keeni kara xasilooni ay doorasho ku dhici karto.

Waxaa muuqata in haddii lagu deg-dego doorashada GalMudug iyadoon la xalinin arrimaha caqabadaha jira inay keeni karto inay dhaliso colaado hor leh oo horseed u noqdo in maamulka curdanka ah uu meesha ka baxo.

Si haddaba xal loogu helo dhammaan caqabadaha jira oo loo bilaabo dib-u-heshiisiin dhab ah oo la dhexdhigo maamulka GalMudug iyo ASWJ iyo sidoo kale dib-u-heshiisiin waarta ee beelaha deegaanka ah waxaa loo baahanyahay waqti ku filan bacdamaa ka qeybgalka doorashada ay tahay fursad kalsooni siisa shacabka deegaanka. Sidoo kale arrinta Gaalkacyo oo soo noqnoqday waxuu salka ku hayaa kala shakiga iyo is-faham la’aanta GalMudug iyo Puntland, sidaas daraadeed, waxaa haboon in la isku dayo in xal siyaasadeed la gaaro ka hor doorashada si go’aanka doorashada uu u noqdo mid kalsooni siin kara shacabka Gaalkacyo iyo kan guud ahaan shacabka deegaanka.

Sidaas daraadeed, waxaan ku talin lahaa qodobada soo socda:

In doorashada dib loo dhigo oo waqti la siiyo dib-u-heshiisiin, iyadoo lala kaashanayo Madax dhaqameedyada iyo dhammaan qeybaha bulshada;

  1. In Baarlamaanka GalMudug ay ka shiraan muhiimada arrimaha kor ku xusan si ay si wadar-ogol ah u go’aansadaan in waqti kordhinta la waafajiyo dasuurka;
  2. In Dowladda Federaalka ay fududeyso sidii ASWJ iyo GalMudug loo dhexdhexaadin lahaa oo is-faham siyaasadeed ay u wada gaari lahaayeen;
  3. In la dedjijo dadaalkii Dowladda Federaalka, Xafiiska Qaramada Midoobey, iyo maamulada GalMudug iyo Puntland ee ku aadanaa xal u helida dhibaatooyinka soo noqnoqday ee Gaalkacyo;
  4. In Dowladda  Federaalka ay fursadan uga faa’iideysato oo ay Dowlad Goboleedyada deriska wada ah loo furo wadahadal iyadoo lala kaashanayo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha;
  5. In doorashada Madaxweynaha GalMudug ay noqoto mid u dhacda si dimoqraadiyad ah, daah-furan, isla xisaabtan leh iyo in dhamaan qeybaha bulshada ee deegaanka ay ka wada qeybqaataan doorashada;
  6. Maamulka ku-meel gaarka ah ee GalMudug inuu hormuud ka noqdo is-cafis guud ee bulshada deegaanka ah, iyadoo lala kaashanayo Madax dhaqameedka deegaanka;
  7. Maamulka KMG ah ee GalMudug inuu isku dayo inuu wadahadal la furto xubnihii sida khaldan wax loogu sheegay ee ka tirsan Al-Shabaab iyagoo kaashanaya Madaxda dhaqanka ee deegaanka.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Share Up To 110 % - 10% Affiliate Program

Readers Comments (0)




IMAGE OF THE DAY

kenya-somalia-al-shabaab-story-top

LATEST HEADLINES


maalmaha ciida

aakhiro

Musharaxa utaagan qabashada xilka Rasulwasaaraha Soomaaliya Dr Cabdi xaashi Aakhiro.

Ayadoo dhawaan dalka doorashadii ka dhaxday  lagu doortay madaxweyne   shacabku aad u soo dhaweeyeen Mohamed Cabdullahi Farmaajo   lagana ...
DSC00442

Daawo sawirada Cadaado oo Maanta Siweyn looga Ciiday.

Xarun Goboleedka Maamulka Galmudug  ee  Cadaado ayaa ah mid  saakay Dadka ku nool waxa ay si wada jir ...
MADAXWAYNAHA-XIMIN-IYO-XEEB-TIICEEY

Madaxweynihii Hore Maamulkii Ximan iyo Xeeb Tiiceey oo ka hadlay xaaladiisa baaqna u diray reer Cadaado

Maxamed Claahi Macalin Adan (Tiiceey) madaxweynihii hore maamulkii Ximan iyo Xeeb ahna aas aasaha maamulkaasi oo isagoo ku ...
Close
Please support the site
By clicking any of these buttons you help our site to get better