Wednesday, May 22nd, 2013

Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb wafdi uu hogaaminayo oo maanta Muqdisho u anbaxay (Sawiro)

Published on August 4, 2012 by   ·   6 Comments

Published on August 4, 2012 by Lucky (Gobolada Radio) Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb Madaxwed C/llahi Macalin Aadan Tiiceey ayaa maanta ka anbabaxay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Cadaado iyagoona ku siijeeda Magaalada Muqdisho ee Caasimada Wadanka Soomaaliya.

Madaxweynaha waxa safarka ku wehliya Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb.

Mr Tiiceey oo ka hor intii uusan ka duulin Garoonka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muhiimada safarkoodu uu yahay howlo shaqo oo halkaasi ay u aadayaan isagoona intaa ku daray in dhowaan ay dib ugu soo noqon doonaan Magaalada Cadaado.

Wafdigan waxa sii sagootiyey Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Golaha Baarlamaanka, Maamulka Gobolka Ximan iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Goboladaradio.com
goboladaradio@hotmail.com

Daawo Sawirada

Photo by Daahir Faarax
goboladaradio@hotmail.com

Readers Comments (6)

  1. C/hi sh. says:

    Asxaabta aan jeclahayow madaxweyne maxamed c/lahi aadan madaxweynaha maamulka ximan iyo xeebaa ama dowlada KMG ah ee soomaaliyeed waxaad soo qorteen madaxweynaha dowlada KMG ah e somaliya marka jawaabtu waa xagiina mahadsanidin

  2. maf
    ahmin qoraalka thnaks

    • Abdi qafaar says:

      Asc waa idan salamay aqiyaarta soo qorta webkaan waa mahadsantihiin walaalaa yaal iyo sida sharaftaa leh e at nogu soo gudbisaan aqbaaraatka sido kale waxan salamaya madaxweynaha iyo waftiga la socda sida mr maxamed cumar iyo raga kale e an mesha uga jeedo sida cabdiraxmaan kadawe ninkaas soo mahayn taliyaha police ka waa maxay ninka aat moodo xubinsare e ka tisan alshabaab maba lahan qaab taliye war adoo sunadaada mujinaya isku yel qaab nin ah masuul iidan intaas waa iga waano e mahan xumaan waa mahadsantihiin sido kale agaasimaha wasarada ximan iyo xeeb candulahi war isku ekaysiiya dad ah masuliyan ha surweelo gaabnanine ama xirta suudad gudomiyaha baxdo iyo cumar gureeye ayaa u eg wax la xusi kaaro walalayaal waa iga waano e kor u qaada sharafkiina ilaaahay abniga ha idiin ilaaliyo waa mahadsantihiin

  3. ASC Bahda gobolada radio after salaan madaxweynaha X&X waxaan kjuu rajaynayaa inaa noqoto mid diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisa si hagar la,aan eh wax ugu qabto aadan noqon sida madaxda somnali badankood hantida shacabka jeebka ku shubti waana ku taagersanahay tiiceeyow horeyna usoco ilaahayna ha ku garab galo..

  4. Abdi qafaar says:

    Asc waa idan salaamay aqiyaartaa soo qorta webkaan sida muqtaar xuseen iyo axmed shiiq xaan jagajage waayahaan lama hayo war bixin aat ka soo gudbiseen degaanada ximan iyo xeeb ma diyaarinaysaan waxaan idin rajayna wax wanagsan waa mahadsantihiin hotelada waa weyn eemagalada iyo melaha qurxoon ka soo qaada sawiro sida at kaga soo qdeen kalimaha shidaalka o kale waxan ku daraya raga leh kaaliyama shidaadhaa sida nin an ka aqooday sawirkiisa maxamed giriig dharkii lagu yaqiinay kaalimaha shidadla soo xirt macawis iyo shaar galuuska u furanyahay ha ku shaqynaina ee muujiya walala ayal waa iga waano mahadsantihiin walala yaal mahan xumaan ee waa muujiya quruxda sida at u dhiteen o kale wr;wb;

  5. Nuur ciise says:

    waxaan rabaa in aan hadalo guubaabo ah iraahdo walaalaheyga ka soo jeeda ama ku abtirsada maamulka ximan iyo xeeb in ay is caawiyaan meel kasta oo ay aduunka ka joogaan, mid jooga dalka gudihiisa iyo mid jooga dibadiisaba, waxaan daawaday video laga soo duubay isbitaalka magaalada cadaado kaas oo aan aad uga naxay markii aan arkay sida uu u dayac tir la’yahay dadkiisana ay ka hurdaan, walaalayaal Tvyada iyo wax walba aan daawanaaa habeen waalba waxaan arkaa dad caawinya walaalahood meel ay joogaanba siiba dadka qurba joogta ah, maxaan u arki la’ahay adinka oo iscaawinaya ama isku gargaaraya. walaalkaaga marka uu caawinta u baahanayahay hadii aadan caawin goormee caawinee, hadii ay hadalada aan idin dhahayo aniga igu soo laaban lahaayeeen meesha aan ku noolahay kaligey aa ka jooga,that’s why aan dadka u raadinaaa, hadii aad haysaan ama ay jiraan oo aad rabtaaan in aad walaalihiin u gargaartaan ila soo xiriira wax baaan idinku darsanaa adinkoo aad u mahadsan. waaxaan igala soo xiriiri kartaan. 46764424740




IMAGE OF THE DAY

DSC05439-1024x576

LATEST HEADLINES


maalmaha ciida

Godinlabe

Godinlabe oo laga dareemayo Mashquul farabadan oo ku aadan Munaasabada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio) Iyadoo Maanta ay ku beegan tahay Maalintii labaad ee Munaasabada barakeysan ee Ciidul Adxaa waxa ...
ganooooley

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo shacabka Soomaaliyeed u diray hanbalyada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio)  Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey ayaa habalyada Munaasabada Ciidul Adxaa ...
DSC04922

Cadaado oo si weyn looga ciiday (Sawiro)

(Oct 26, 2012 Goboladaradio) Fagaaraha Weyn ee ku yaala Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ...