Sunday, September 25th, 2016
gobolada

Ximan iyo Xeeb oo ka hadashay dagaalo ka dhacay Degmada Hobyo (Dhegeyso)

Published on October 11, 2012 by   ·   110 Comments

(Oct 11, 2012 Goboladaradio Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale “Hagafey” ayaa ka hadlay Dagaalo subaxnimadii hore ee Saaka ka dhacay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug kaasi oo sida uu sheegay dhex maray Ciidamo uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Ciidamada Ximan iyo Xeeb.

Mr. Hagafey ayaa ugu Baaqay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Qeybdiin inuu Ciidamadiisa kala Baxo Degmada Hobyo isagoona ku eedeeyey inuu ka danbeeyey Dagaalkaasi.

Subaxnimadii hore ee Saaka ayaa Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug waxa ka dhacay Dagaal u dhexeeyey Ciidamo ka socda Galmudug iyo Ciidamada Maamulka Ximan iyo Xeeb kaasi oo iminka istaagay, illaa iyo iminkana ma jirto cid soo kala dhex gashay labada dhinac.

HALKAN KA DHEGEYSO WARKA AFHAYEENKA

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Dagaalkaasi, waloow uu saameyn ku yeeshay dadka degmeda Hobyo ku dhaqan.

Degmada Hobyo ayaa waxa ka kala arrimiya Maamulada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug, iyadoona mudooyinkii danbe aysan ka jirin wax qilaaf ah.

Xafiiska Wararka
goboladaradio.com
Cadaado-Somalia
goboladaradio@hotmail.com

Share Up To 110 % - 10% Affiliate Program

Readers Comments (110)




IMAGE OF THE DAY

timthumb

LATEST HEADLINES


maalmaha ciida

DSC00442

Daawo sawirada Cadaado oo Maanta Siweyn looga Ciiday.

Xarun Goboleedka Maamulka Galmudug  ee  Cadaado ayaa ah mid  saakay Dadka ku nool waxa ay si wada jir ...
MADAXWAYNAHA-XIMIN-IYO-XEEB-TIICEEY

Madaxweynihii Hore Maamulkii Ximan iyo Xeeb Tiiceey oo ka hadlay xaaladiisa baaqna u diray reer Cadaado

Maxamed Claahi Macalin Adan (Tiiceey) madaxweynihii hore maamulkii Ximan iyo Xeeb ahna aas aasaha maamulkaasi oo isagoo ku ...
ogeysiis

Ogeysiis Muhiin ah oo ku saabsan adeeg cusub oo aan soo kordhinay

Dhamaan asxaabta sharafta meelkasto dunida ka joogtaan waxaan idin ku wargelineynaa inaa soo kordhinay adeeg cusub oo ah ...
Close
Please support the site
By clicking any of these buttons you help our site to get better