(Muqdisho GRN):-Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in la xaqiijinayo ammaanka Magaalada Muqdisho oo la filayo in uu ka dhaco shirka Odayasha dhaqanka ee la doonayo in lagu ansixiyo Dastuurka Cusub.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/samad Macallin Max’ud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la xaqiijinayo ammaanka Magaalada Muqdisho islamarkaana la xaqiijinayo ammaanka Madasha uu ka dhacayo shirka la doonayo in lagu ansixiyo Dastuurka.
C/samad Macallin Max’ud waxa uu sheegay in Ciidamada Dowlaadda qeybahooda kala duwan iyo kuwa AMISOM ay ku howlan yihiin ammaanka iyo ka hortagga falal ammaan daro oo ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Hay’adda Nabad Sugidda gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in la xaqiijinayo ammaanka Magaalada Muqdisho gaar ahaan goobta uu ka dhacayo shirka la doonayo in lagu ansixiyo Dastuurka cusub ee Soomaaliya.
info@goboladaradio.com
Asc waa laala yaal ala aan ka baqno hada tasturka la xalinayo wan kaso horjeedna tastuurka oo idil maantay wan soo manahay waxan u soo manahay alaha i aburtay wlh blh tolahi maantay hadad is dhah did la cag ayad hele aqiro ayaa lagaa jaraa ilahow baaji waxa loogu yeray tasturka aamin