Saturday, January 21st, 2017
gobolada

Daawo Sawirada Wasiirada Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Galmudug oo Daah Furtay Dood Cilmiyeed looga Hadlayay Gudniinka Fircooniga ah oo ka dhacay Degmada Cadaado.

Published on September 17, 2016 by   ·   No Comments

Wasiirada Haweenka Xaquuqul  Insaanka iyo Arimaha Qooyska Dowlad Goboleedka Galmudug Sahro Colaad Cabdi ayaa Daah furtay Aqoon-isweydaarsi ay soo Qaban-qaabisay Wasaaradu taasi oo looga hadlayay intii kulanku socday sidii dadka looga wacyi galin lahaa Gudniinka Fircooniga ah oo Diinta Islaamku kasoo Horjeedo Balse Caado u ah dadka Soomaalida ah.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen Qaybaha kala duwan ee Haweenka Galmudug iyo Masuuliyiinta ka tirsan Degmada Cadaado ayaa lagu falanqeeyay qaabka looga wacyi galin karo Bulshada Soomaaliyeed Gudniinka fircooniga ah oo la sheegay in uu leeyahay dhibaatooyin fara badan isla markaana loo baahan yahay in laga hortago.

Aqoon isweydaarsigaan ayaa waxaa kasoo baxay qodobo wax ku ool ah kuwaas oo intooda ugu muhiimsan ay sheegtay Wasiiradu  in la Horgeeyn doono Maarlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo sharciyeeyo looguna dhaqmo.

Wasaarada ayaa inta badan Barnaamijkaan xooga ku saareysay Rayi Ururinta Bulshada si loo helo talaabooyin ku haboon in la qaado oo bulshada looga wacyi galiyo dhaqankaan Caadeeysiga ah ee lagula kaxo Gabdhaha Soomaaliyeed.

Wasiirada Haweenka Xaquuqul  Insaanka iyo Arimaha Qooyska Dowlad Goboleedka Galmudug Sahro Colaad Cabdi ayaa sidoo kale sheegtay in wasaaradeedu u taagan tahay wax waliba oo Haweenka Soomaaliyeed dani ugu jirto Diintana aan Cagsi ku ahayn ayna hadda dadaal Badan ugu jiraan sidii loo heli lahaa Qoondada Haweenka Galmudug ay ku leeyihiin  Dowlada dhexe ee Soomaaliya dhanka Galmudug.1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23

Share Up To 110 % - 10% Affiliate Program

Readers Comments (0)




IMAGE OF THE DAY

Gen_Gaab

LATEST HEADLINES


maalmaha ciida

DSC00442

Daawo sawirada Cadaado oo Maanta Siweyn looga Ciiday.

Xarun Goboleedka Maamulka Galmudug  ee  Cadaado ayaa ah mid  saakay Dadka ku nool waxa ay si wada jir ...
MADAXWAYNAHA-XIMIN-IYO-XEEB-TIICEEY

Madaxweynihii Hore Maamulkii Ximan iyo Xeeb Tiiceey oo ka hadlay xaaladiisa baaqna u diray reer Cadaado

Maxamed Claahi Macalin Adan (Tiiceey) madaxweynihii hore maamulkii Ximan iyo Xeeb ahna aas aasaha maamulkaasi oo isagoo ku ...
ogeysiis

Ogeysiis Muhiin ah oo ku saabsan adeeg cusub oo aan soo kordhinay

Dhamaan asxaabta sharafta meelkasto dunida ka joogtaan waxaan idin ku wargelineynaa inaa soo kordhinay adeeg cusub oo ah ...
Close
Please support the site
By clicking any of these buttons you help our site to get better