Monday, May 20th, 2013

Maamulka degmada Huriwaa oo sheegay in Askar ka tirsan Dowlada ay dhac iyo Kufsi ka…

Published on August 2, 2012 by   ·   No Comments

Published on August 2, 2012 by Lucky (Gobolada Radio) Cumar Jacfaan oo ah Gudoomiyaha degmada Huriwaa ayaa sheegay in Askar ka tirsan dowladda ay dhac, boob iyo kufsi ka geysteen degmadaas.

Waxana uu intaa ku daray in uusan qarineyn dhibaatada dhacday, balse arrintan ay soo korortay maalmihii u dambeeyay, waxaana uu ka codsaday Hay’adaha ammaanka dowladda inay arrintan soo fara geliyaan.

Dadka ku nool degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ayuu sheegay inay dhibaato ku hayaan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, oo dhac u geysta goobahooda ganacsi, hase ahaatee kiiskan kufsiga ayaa noqonaya mid ku cusub degmadaasi sida uu sheegay Goddoomiyaha Degmadaasi.

Ugu danbeyn Gudoomiyaha degmada Huriwaa Cumar Jacfaan ayaa ugu baaqay Taliska Ciidamada inay si deg deg ah wax uga qabtaan dhibaatooyin Ciidamadu ka geystaan xaafadaha degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Goboladaradio.com
goboladaradio@hotmail.com

Readers Comments (0)




IMAGE OF THE DAY

ximan

LATEST HEADLINES


maalmaha ciida

Godinlabe

Godinlabe oo laga dareemayo Mashquul farabadan oo ku aadan Munaasabada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio) Iyadoo Maanta ay ku beegan tahay Maalintii labaad ee Munaasabada barakeysan ee Ciidul Adxaa waxa ...
ganooooley

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo shacabka Soomaaliyeed u diray hanbalyada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio)  Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey ayaa habalyada Munaasabada Ciidul Adxaa ...
DSC04922

Cadaado oo si weyn looga ciiday (Sawiro)

(Oct 26, 2012 Goboladaradio) Fagaaraha Weyn ee ku yaala Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ...