Saturday, May 25th, 2013

Masuul ka tirsan Dowlada KMG oo ka badbaaday qarax miino

Published on August 2, 2012 by   ·   No Comments

Published on August 2, 2012 by Lucky (Gobolada Radio) Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa saaka ka badbaaday qarax miino oo lagula eegtay meel ku dhow gurigiisa xili uu la socday gaarigiisa.

Taliyaha Ciidamada booliska Gobolka Banaadir Jen. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in qaraxa lala damacsanaa in lagu qaarijiyo Taliyaha Nabad sugida DKMG kaasi loo dhigay wado uu gurigiisa u sii maro.

Jen. Maalin ayaa sheegay in qaraxa ay u soo qabteen hal ruux oo uu sheegay in uu ka danbeeyey qaraxaasi, isla markaana ay ku hayaan aaladii uu wax ku qarxiyay ee Remote Koontarool sida uu hadalka u dhigay.

Maalin ka hor ayay aheyd markii nawaaxiga Warshada Coca Cola gaari ay la socdeen Ciidamada dowladda qarax miino lagula eegtay, kaasoo ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah.

Goboladaradio.com
goboladaradio@hotmail.com

Readers Comments (0)




IMAGE OF THE DAY

Sharukhan

LATEST HEADLINES


maalmaha ciida

Godinlabe

Godinlabe oo laga dareemayo Mashquul farabadan oo ku aadan Munaasabada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio) Iyadoo Maanta ay ku beegan tahay Maalintii labaad ee Munaasabada barakeysan ee Ciidul Adxaa waxa ...
ganooooley

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo shacabka Soomaaliyeed u diray hanbalyada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio)  Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey ayaa habalyada Munaasabada Ciidul Adxaa ...
DSC04922

Cadaado oo si weyn looga ciiday (Sawiro)

(Oct 26, 2012 Goboladaradio) Fagaaraha Weyn ee ku yaala Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ...