Tuesday, June 18th, 2013

Madaxweyne Shariif oo sheegay in Soomaaliya ay ka baxday KMG-nimada

Published on August 2, 2012 by   ·   No Comments

Published on August 2, 2012 by Lucky (Gobolada Radio) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay kumeel gaar nimada dhowaana ay u talaabi doonaan Dowlad Dhexe oo Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyey tallaabada ay ergada ku ansixiyeen dastuurka cusub ee Soomaaliya ayna arrintaas caddeen u tahay in uu dalka ka baxay marxaladda kumeel gaarnnimada.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya ayaa intaa ku daray in ka hor 20-ka August la dhammeystiri doono soo xulidda xubnaha baarlamaanka iyo doorashada madaxtinnimada dalka.

Hadalka Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku soo aadaya xili shalay la ansaxiyey Dastuurka Cusub ee Soomaaliya.

Goboladaradio.com
goboladaradio@hotmail.com

Readers Comments (0)




IMAGE OF THE DAY

c qaadir sayid axmed

LATEST HEADLINES


maalmaha ciida

Godinlabe

Godinlabe oo laga dareemayo Mashquul farabadan oo ku aadan Munaasabada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio) Iyadoo Maanta ay ku beegan tahay Maalintii labaad ee Munaasabada barakeysan ee Ciidul Adxaa waxa ...
ganooooley

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo shacabka Soomaaliyeed u diray hanbalyada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio)  Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey ayaa habalyada Munaasabada Ciidul Adxaa ...
DSC04922

Cadaado oo si weyn looga ciiday (Sawiro)

(Oct 26, 2012 Goboladaradio) Fagaaraha Weyn ee ku yaala Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ...