Published on August 1, 2012 by Lucky (Gobolada Radio) Xaalado dhanka nolosha ayaa soo wajahay dadka Soomaalida ee ku dhaqan dalka Holland.
Wakaalada wararka dalka Holland ee Novum ayaa qortay in Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ayaa cabasho ka muujinayaan xaaladdooda nololeed tan iyo markii dowladda Holland shaacisay in ay dib ugu celineyso qaxooti badan oo Soomaali ah dalkooda.
Wakaalada oo soo xiganeysa muwaadin Soomaali ah ayaa sheegtay in lagu amray in maalin kasta ay u soo gudbiyaan warbixin xafiisyada u dhow ee deegaanada ay ku noolyihiin isagoo tilmaamay in caqbado kale oo midab takoor ay qayb ka tahay ay la kulmaan.
Wasiiradda dowladda Holland ayaa kulan ay yeesheen labo todobaad ka hor waxay isla meel dhigeen in Soomaaliya ay ka jirto xasilooni darri taas oo aan suura gal ka dhigeynin in uu dhaqan galo go’aankii dowladda ee dib Soomaalida loogu soo masaafurin lahaa dadkaasi.
Isku soo wada duuboo Soomaalida ku dhaqan Wadanka Holland ayaa walaac ka muujinaya go’aan horay uga soo baxay wasaaradda dalxiiska dalkaasi kaasi oo lagu sheegay in dib loo celin doono qaxootiga Soomalida.
Goboladaradio.com
goboladaradio@hotmail.com