(Cadan GRN):-Ciidamada amaanka dalka Yemen ayaa xabsiga dhigay dhallinyaro Soomaaliyeed oo boqol ku dhaw kuwaas oo looga shakisan yahay inay gacan siinayeen kooxaha ka dagaalama wadankaasi.
Dhallinyarada ayaa laga soo qabqabtay gobollada Ebyan iyo Shabwa ee Yemen, halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen Ciidamada dalka Yemen iyo kooxaha ka soo horjeeda dowlada wadanka Yemen.
Xuseen Xaaji Axmed oo ah ku xigeenka qunsulka safaaradda Soomaalida ee magaalada Cadan, ayaa sheegay in dhallinyarada loo soo kaxeeyay xabsiyo ku yaalla magaalada Cadan ee dalka Yemen.
Horey waxaa u jiray dagaalyahanno Soomaali ah oo la sheegay inay garab siinayeen kooxaha ku kacsan dowlada wadanka yemen oo lagu xir xiray wadankaasi.
info@goboladaradio.com