Published on August 1, 2012 by Lucky (Gobolada Radio) Xoghayaha Wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Mareykanka Hillary Clinton iyo madaxda ugu sareeysa dowladda KMG Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda ku kulmi doona Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.
Warkan oo ka soo baxay waaxda Wasaaradda arimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Miss Hillay Clinton ay magaalada Nairobi ugu yeertay madaxda ugu sareeysa dowladda oo uu ugu horeeyo Shariif Sheekh Axmed.
Sida ay sheegtay waaxda Wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka Clinton safareeda dalalka Afrika ku kala bixin doontaa Senegal, Koonfur Sudan, Ugandha iyo dalka Kenya oo ay kula kulmi doonto Madaxda Soomaalida.
Waxyaabaha ugu waa weyn ee looga hadli doono kulanka dhexmari doono Madaxda Dowlada KMG iyo Hillary Clinton waxaa kamid ah Dhaqan galinta Dastuurka cusub iyo in 20-ka bisha Agost lagu soo afjaro dowladda KMG, loona gudbo Dowlad Dhexe.
Goboladaradio.com
goboladaradio@hotmail.com