Published on August 1, 2012 by Lucky (Gobolada Radio)Tartan aqooneedka qaar ka mid ah dagmooyinka dalka ee bisha Ramadan ay Idaacada codka gobolada dhexe ee magaalada Cadaado wado ayna maalgalinayso shirkadd isgaarsiinta ee Hurmuud oo maraya meelihii ugu xasaasisanaa ayaa waxaa xalay ku kulmay dagmooyinka Eyl iyo Balanbale oo ka kala tirsan gobolada Nugaal iyo Galgaduud.
Dagmada Eyl ee gobolka Nugaal
Tartamayaasha dagmada Eyl sida sharciga barnaamijku yahay waxaa la wiidiiyay 8-su’aalood, waxay ka jawaabeen 2-su’aalood 6-na way garan waayeen, halka ay ka faa’iidaysi u heleen 3-su’aalood oo 1-ka mid ah ay ka jawaabeen 2-kalena ay garan waayeen, waxaana wadarta dhibcohoodu ay noqotay 6-dhibcood.
Dagmada Balanbale ee gobolka Galgaduud
Tartamayaasha dagmada Balanbale waxaa iyana la wiidiiyay 8-su’aalood, waxay ka jawaabeen 5-ka mid ah, iyagoo garan waayay 3-ka mid ah, waxay ka faa’iidaysi u heleen 6-su’aalood, iyagoo ka jawaabay mid ka mid ah 5-tii kalena ay garan waayeen, waxaana wadarta dhibcohoodu noqday 12-dhibcood, iyadoo halkaasi ay guushu ku raacday tartamayaasha dagmada Balanbale.
Tartanka ayaa ku soo dhamaaday sidii loo qorshaynayay, waxaana tartamayaasha dagmada Balanbale guusha ay gaareen ugu hambalyeeyeen tartamayaasha Eyl, halka iyaguna ay ugu hambalyeeyeen sida akhlaaqda iyo wanaaga leh ee ay tartanka uga qayb qaateen.
Goboladaradio.com
goboladaradio@hotmail.com
Waxa uhanbal yeynaya gesiyasha balanbale e noso hoyey gusha hadanahay waqoyiga galgadud