Published on August 1, 2012 by Lucky(Gobolada Radio) Dastuurka qabyadaha ee Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay cod aqlabiyad ah iyadoo ay jireen xubno diiday ansixinta Dastuurka iyo kuwo ka aamusay.
Codeynta oo ahayd mid gacan-taag ah ayaa waxaa codkooda ka dhiibtay 645 ergay oo ku sugnaa xarunta uu shirka ansixinta ka socday, waxaana 621 ergay oo u dhiganta 96% ay ku codeeyeen HAA, iyadoo sidoo kale ay 13 egay ay iyaguna diideen, kuwaasoo u dhima 2%, waxaa iyagana ka aamusay 11 ergay oo dhigma 2%.
Natiijada codadka ayaa waxaa ku dhawaaqay Prof. Xuseen Warsame iyo Nimco Axmed oo ka mid ahaa ergooyinka ansixinta dastuurka, waxaana goobta oo dhan camiray sacab iyo heeso ay qaadayeen ergooyinka dastuurka ansixiyay si ay u muujiyaan farxaddooda.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa natiijadii kasoo baxday codeynta ergada, iyadoo lagu dhawaaqay in dastuurku uu yahay mid KMG ah inta shacabka Soomaaliyeed ay codkooda u qaadayaan.
Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka, oo goobta ka hadlay codeynta kaddib ayaa sheegay in ansixinta maanta ay ku timid dadaal ay xukuumaddu KMG ah ku bixisay sidii dastuurka loo ansixin lahaa.
Goboladaradio.com
goboladaradio@hotmail.com