Sunday, May 26th, 2013

Aryaa tanoo kale arkay (Faallo)

Published on July 31, 2012 by   ·   No Comments

Published on July 31, 2012 by Lucky (Gobolada Radio)Labadii ruux ee ka sheekeysanaya afduubka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa waxa ay ku kala tagaan aqirkii aryaa tanoo kale arkay.

Waa ooraah la saari karo Caalamatu cajaa’ib muujineysana wax lala yaabay oo dhinac loo dhigay la waayay haatan Soomaaliya waxa ay mashquul ku tahay kala guur iyo dastuur mana labo xaajo oo la dhayalsan karo marka la barbar dhigo xaaladda ay iminka ku sugan tahay Soomaaliya.

Soomaalida hore ayey u kala guurtay oo qabiilba xero u ootay waxa ay ahayd daawado la doonayo in magaceeda loo bixiyo isku soo guur si beeluhu u wadagaan dariskana isugu soo hiloobo dabadeedna dowladnimo buuxda looga gudbo dowladihii taagta darnaa oo mid waliba maalin ku mayday meel cidla ah.

Tan kale dastuur waa heshiis bulsho mar hadii macnaha sidaasi yahay maxaa keenay in dastuur la doonayo in lagu dhaqo Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed inay karkariyaan ayna soo maraan gacmo badan oo madow iyo cadaan leh, iyadoo aan laga tala galineynin qaangaar kasta oo qarka ka taagan halka uu dhariga yaallo.

Walwalka dastuurka ma aha mid hada soo bilowday hase ahaatee waxa uu soo maray jaranjarooyin badan , mar waxa uu taagnaa xili laga hadli karo si loo qalad saxo qadobada qaar ka mid ah qodobada dastuurka, waxaase timid in dadkii arintaasi u olaleynayay lagu tilmaamo qaswadayaal looguna daray hanjabaadyo iyo digniino.mar kale waxaa ka hadlay gudigii 6-da sano soo diyaarinayay markii ay afka kala qaadeena waxaa ku xigtay waa lakala diray waqtigoodana wuu dhamaaday iminkana lama yaqaano meel ay ku dacar-burqeen.

Mar kale oo Odayaasha dhaqanka ay isku dayeen dhaqdhaqaaq ka dhan ah dastuurka la horkeenay, waxaa iyana dhagaha loogu shubay in aysan waxna ku dari Karin waxna ka dhimi Karin xaalkooduna uu yahay marqaati aamusan taasina waxa ay keentay in mudo kooban oo deg deg ah ay isku dhaafiyaan ayna horgeeyaan Ergo dhan 825 xubnood si u ansixiyaan.

Maalintii koowaad ayaa dad badan oo damiir leh ka duubteen calooshooda waxa meesha ka socda kadib markii Ergada ay kasoo dhexmuuqdeen howlwadeenadii dowladda KMG oo isugu jira Gudoomiyaal degmo, Ururada haweenka iyo dhalinyarada Qaranka, shaqaalihii xafiisyada iyo karaalayaashii Wasaaradaha, fanaaniin iyo xubno kale oo ka mid ah laamaha dowladda.

Waxaase ay tan la yaabka leh tahay in Ergadaasi ansixineysa ee xubnaha dowladda ah in shaqaale looga dhigay xubno kale oo ka tirsan dowladda KMG ah inta kalana oo aanu isha buuxin Karin waxaa xubno laga soo xulay beelaha, tan ugu daranse waa in Duhur kasta Ergada ay saf u galaan cuno loogu tala galay oo mindhaa mecnaheedu yahay inay guryahooda dib ugula laabtaan.

Qofkii la cajabay arrimahaasi oo sheekadiisa wata ayaa igu yiri waliba wax uu yahay magaca loo bixiyay Ergada, Ergada ansixinta dastuurka ma aha inay wax ku leeyihiin wax ka badal iyo wax ku dar, waxaana boorarka ku dhagan howlka dastuurka ugu cadcad ansixi dastuurka ku darso heesadaha ay Hobaladu ka qaadayaan Shirka waa ansixi dastuurka.

Tan kale ee lala yaabay waa in lasii calaamadeeyay Xildhibaanada cusub ee barlamanka soo socda kuwaasi oo aan u baahneen in faraha lagu taagtaago ama la tilmaamo hada heyntuna waxa ay tahay in inta badan ay dib usoo laaban doonaan Xildhibaanadii hore ee aanu naqiinay oo ay horboodanayaan Hogaamiye kooxeedyadii, dad badana shaki uguma jiro in aysan waxba iska badaleynin siyaasada.

Tana waa mid dhabar jab weyn ku ah dad badan oo jooga dalka iyo dibadiisa oo rajo weyn ka qabay inuu dhaco isbdal weyn oo curduna oo caafimaad qaba oo ka unkuma dalka sidaasina ugu soo tafa xeetay inay lugaha lasoo galaan tartanka Madaxtinimada kuwa kalana oo doonaya inay tilmaamaan sida ay wax u socdaan waa la cabsi galiyay oo waxa ay aamineen in cida ka hadasha dastuurka la dili doono.taana waa mida keentay in labadii ruux ee ka sheekeysanaya afduubka siyaasadeed inay aaqirka ku kala tagaan aryaa tanoo kale arkay.

W/D: C/qaadir Max’ed Faarax

Readers Comments (0)




IMAGE OF THE DAY

Sharukhan

LATEST HEADLINES


maalmaha ciida

Godinlabe

Godinlabe oo laga dareemayo Mashquul farabadan oo ku aadan Munaasabada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio) Iyadoo Maanta ay ku beegan tahay Maalintii labaad ee Munaasabada barakeysan ee Ciidul Adxaa waxa ...
ganooooley

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo shacabka Soomaaliyeed u diray hanbalyada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio)  Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey ayaa habalyada Munaasabada Ciidul Adxaa ...
DSC04922

Cadaado oo si weyn looga ciiday (Sawiro)

(Oct 26, 2012 Goboladaradio) Fagaaraha Weyn ee ku yaala Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ...