Published on July 29, 2012 by Lucky (Gobolada Radio):-Maamulka cusub ee dagmada Baxdo ee gobolka Ximan ayaa waxa uu wadaa hawlo lagu hormarinayo maamulka dagmadaasi, iyadoo dhisme lagu bilaabay xaruntii uu ku shaqayn lahaa maamulka dagmada iyo dhisme Saldhig Boolis.
Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb C/llahi Macalin Cabdi Geedi oo dhawaan socdaal shaqo ku tagay dagmaadasi aya ka warbixiyay hawlaha hormarineed ee hadda ka socda dagmadaasi, isagoo sheegay in maamulka cusub ee dagmadaasi uu ku talaabsanayo hormar dhinaca arrimaha bulshada ah.
Waxaa hadda la dhisayaa xaruntii dagmada Baxdo iyo Saldhig Boolis maadaama maamulkii hore ee dagmada uu ku shaqayn jiray guryo kiro ah, waxaana dhismayaashan hawlohooda ka qayb qaadanaya qaybaha bulshada oo maamulka dagmadaasi uu horkacayo.
Gudoomiyaha cusub ee maamulka dagmada Baxdo Bashiir Maxamed Cali ayaa goor sii horaysay sheegay in maamulkiisu uu hawlo badan qabanayo, waxaana uu bulshada dal iyo dibadba ka codsaday in hawlaha ay qabanayaan lagu taageero gaar ahaan dhanka caafimaadka oo dagmadaasi baahi wayn xilligan u qabto.
Nagala Soo xiriir
goboladaradio@hotmail.com
masha alah waa arin wanaagsan waana soo dha weeneynaa gudoomiye bashiir waxaan leenahay allha kulagarab galo iyo dhamaan shacabka reer ximan xeeb midakale web goblada waxaan kacod snaynaa masiwirda baxdo hadaad awoodan wa mahada santahiin bahda webka
Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay dagnoyiokuaca, Ilaahayna hanaga wada aqbalo. Hadduu Eebbe idmo, T-Bone Steak’ waan soo gelin doonnaa. Waxaan badi sameysannaa waqtiga Summer-ka (kulaylaha) waxaanna ka dhignaa solay. Isaga oo caadi la u-dabayna waan sameynaa.
Asc walaalahayga somalileed meel kasta oo ay joogaa dhamaantiin waa idin salamay. Waxaana sigaar ah u salaamaya shaqaalaha idaacada. Codka gobolada dhexe oo sal dhigeedu yahay. Casimada maamul gobaleedka ximan iyo xeeb. Waxaan kaloo sigaar ah u salaamayaa. U mada ree ximan iyo xeeb oo dhan marka hada waxaan. Leeyahay shaqaalaha idaacada. In ay noosoo gudbiyaan sawirada dhabta ah ayagoo ku mahad san kuwa ay hada noo soo direen oo dhabta ah. Marka hada waa sawiro lagu farxi karo ee hanoo soo bad sheen walaalahayga qaaliga. Ahaw. Waana idin salaamay dhamaantiin mEel kasta. Oo aad joogtaan hada
ASC WALAAL WAA HORUMAR MAXAA YEELAY HORUMAR LAMA HELO ILAA NABADGELYO LAHELO CIIDANKUNA WAA FURAHA AMMAANKA EE WALAALAYAAL ISKA QABTA CIDDII LUGOYNAYSA AMMAANKIINNA KUNA DADAALA ISKU DUUBNI
MAAMULKANA AAD AYAAN UGU MAHADCELINAYAA
ASC WAAD MAHADSANTIHIIN GUUL IYO HORUMAR AYAAN IDIIN RAJEYNAYAA
asc waa horumar latabokaro oo ugaray maamulkena wanaagsan waxana ku borinaya meel walbo oo ey jogaan umada udhalatay ximin iyo xeeb iney ka qeyb qaatan dib udhiska dhulkoda hooyo
Asc asxbta runtii wa farxad iyo kalsoni ay mujinayaan dhamaan mamulka iyo inta lashaqaysa aniga aad ayaan u jeclaan lahaa in aan dhamaan dhulkii aan tago o aan so arko hadana manta in baxdo saldhig laga sameyo o ay dadku mel ay u dacwodaan ayleyihiin waa farxad wayn ilahay ayana oga mahadd celinaynaa