Wednesday, May 22nd, 2013

Biyo la’aan ka jirta deegaanka Cada-kibir ee Gobolka Ximan (Sawiro)

Published on July 24, 2012 by   ·   7 Comments

(Cadaado GRN):-Biyo la’aan ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Cada-kibir oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada magaalada Cadaado ee caasimada maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb.

Deegaankan oo qiyaastii 45-KM dhanka koofur bari kaga beegan magaalada Cadaado ayaa waxaa ku nool dad badan oo Reer miyi iyo deegaan isugu jira, waxaana hadda fuustada biyaha ah ay ka gaartay $4-Doller taasi oo keentay in dadka qaarkii ay deegaankaasi biyo la’aan kaga guuraan deegaankaasi.

Wafdi uu hogaaminayo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb C/llahi Macalin Cabdi ayaa waxa ay kormeereen deegaankaasi, waxaana agaasimaha oo u waramay Codka Gobolada Dhexe uu u sheegay in deegaankaasi ay biyo la’aan ka jirto loogana baahan yahay bulshada Ximan iyo Xeeb inay caawiyaan dadka deegaanka Cada-kibir.

Deegaanka Cada-kibir ayaan waligii yeelan biyo wanaagsan, waxaana Ceel biyo qaraar laga cabi jiray uu jabay muddo imminka laga joogo dhawr bilood, taasi oo sii siyaadisay baahida xagga biyaha ah, waxaana deegaankan biyaha lagaga keenaa dagmooyinka Godinlabe iyo Baxdo oo u jira fogaan dhan 40-KM.

Daawo Sawirada

Nagala Soo xiriir
goboladaradio@hotmail.com

Readers Comments (7)

  1. hasaan says:

    masha lah cadakibiri ahaa oo iigu dambaysay 1989 inaa arko waa ii farxad …..marka biyo la aanta allaha ka bixiyo ,waa in maamulka iyo shacabka ximin iyo xeeb ay u is taagaan u gargaarka dadka ree cadakibir

  2. cada kibir awalban biyo macan lagu haysane dadku ha isag guran

  3. dadka cada kibir onka ugu baba.aya waxa ku habon inay galinsor ceel koda ku yala ay ciida kala baxan

  4. Mr tabliiq says:

    Masha alaah cada kibir alaah ha kabixiyo biyo la an ta wan jeclahay in an tago lkn waa markay biya la anta kabaxdo

  5. caweeye says:

    Waxaan layaabanahay aduunyada marba marka ka danbeysa waa sii darsaneysaa abaarta iyo dhaqaalayaridu cadakibir 1999 ayaa iigu danbeysey waxaa kuyaaley matoork durdur ah ma aqaano waxa hada biyo la,aanta ugu wacan iyo shacabka oonka iyo abaartu ku heyso cada kibir

  6. fiidhayo says:

    macaygu waa maxamuud cali sangaab waxaana kumagac dheerahay [fiidhacyo]waxaan joogaa kambaala ugandha anigu waxaan magaalada cadakibir sanadu markay eheed 1993 ilaahay biyo dur dur ah hasiiyo magaaladaas waa lada yacay maamulka ayaa dayacay saleebaan oodhan akoon haloofuro magaaladaas ceelloogu qodo aniga lacag aaiga diyaara kaca ootoosa oo deegaanka hormariya hadii kale diiyaarad iska raac raaca [dadaala][fiidhayo cali sangaab cadakibir biyo dur durah alaha siiyo ]bye]

  7. maxamuud says:

    cadakibir in ay balad tahay ninkii badow ahaa moog banaadir mooyee majiro balad kuhaystaa beentay ninkii moodayow arag bacaadkeeda

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk




IMAGE OF THE DAY

HOOYO

LATEST HEADLINES


maalmaha ciida

Godinlabe

Godinlabe oo laga dareemayo Mashquul farabadan oo ku aadan Munaasabada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio) Iyadoo Maanta ay ku beegan tahay Maalintii labaad ee Munaasabada barakeysan ee Ciidul Adxaa waxa ...
ganooooley

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo shacabka Soomaaliyeed u diray hanbalyada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio)  Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey ayaa habalyada Munaasabada Ciidul Adxaa ...
DSC04922

Cadaado oo si weyn looga ciiday (Sawiro)

(Oct 26, 2012 Goboladaradio) Fagaaraha Weyn ee ku yaala Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ...