Saturday, May 25th, 2013

Guddiga qaban qaabada doorashada Galmudug oo la magacabay, iyo khilaaf ka taagan doorashada Galmudug

Published on July 24, 2012 by   ·   No Comments

(Gaalkacyo GRN):-Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay gudiga qaban qaabada doorashada soo socota ee maamulkaasi iyadoona la sheegayo inuu jiro qilaaf ku aadan xiliga ay dheceyso doorashada Madaxtinimada Maamulkaasi.

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Maamulka Galmudug Max’ed Axmed Caalin oo uu Saxaafadda u aqriyay Gudoomiye ku xigeenka barlamanka Maamulka Cuuke C/raxmaan ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu magacaabay Gudiga qaban qaabada doorashada.

Cuuke C/raxmaan waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay isasoo diiwaan galiyaan musharaxiinta u tartameysa doorashada Madaxtinimo ee Maamulka oo dhaceysa bisha August ee sanadkaani.

Tani waxa ay muujineysaa in wali uu taagan yahay Khilaafka Madaxda Galmudug oo horay loo shaaciyay in la xaliyay maadaama gudi doorasho uu horay ugu dhawaaqay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug C/samad Nur Guuleed.

info@goboladaradio.com

Readers Comments (0)




IMAGE OF THE DAY

Sharukhan

LATEST HEADLINES


maalmaha ciida

Godinlabe

Godinlabe oo laga dareemayo Mashquul farabadan oo ku aadan Munaasabada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio) Iyadoo Maanta ay ku beegan tahay Maalintii labaad ee Munaasabada barakeysan ee Ciidul Adxaa waxa ...
ganooooley

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo shacabka Soomaaliyeed u diray hanbalyada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio)  Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey ayaa habalyada Munaasabada Ciidul Adxaa ...
DSC04922

Cadaado oo si weyn looga ciiday (Sawiro)

(Oct 26, 2012 Goboladaradio) Fagaaraha Weyn ee ku yaala Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ...