Wednesday, May 22nd, 2013

Madaxweyne Tiiceey oo qalab ku wareejiyey Wasaarada Arrimaha Bulshada (Sawiro)

Published on July 26, 2012 by   ·   5 Comments

Published on July 26, 2012 by Lucky
Qalabkan oo ka koobnaa Idaacad FM ah iyo Buugaag Waxbarasho ayaa madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Macalin Aadan Tiiceey waxa uu ku wareejiyey Wasaarada Arrimaha Bulshada ee Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Munaasabada wareejinta qalabkan ayaa waxa ka soo qeybgalay Xubno ka tirsan Golaha Barlamanka, Golaha wasiirada Maamulada labada Gobol ee Ximan iyo Xeeb iyo Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey.

Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Macalin Aadan Tiiceey ayaa sheegay in qalabkan oo ka soo gaaray meelo kala duwan uu ku wareejinayo Wasaarada Arrimaha Bulshada Maamulka Ximan iyo Xeeb waxana uu uga mahadceliyey Cid kasta oo ugu deeqday qalabkan islamarkaana ka qeyb qaadaneysa horumarka Maamulka Ximan iyo Xeeb Sida uu yiri.

Wasiirka Arrimaha Bulshada Maamulka Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye Guurreeye ayaa sheegay inay ka wasaarad ahaan ay soo dhoweynayaan qalabkan uu maanta uu ku wareejiyey Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb.

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA

Photo by Daahir Dayax
goboladaradio@hotmail.com

Readers Comments (5)

  1. ugu horeen waxaa hawada usoo marinayaa bahda reer ximann iyo xeeb meelwalbo oo ay aduunka kajogen . gaar aheen groubka ku howlan samata bixinta dadkii iyo deegaan kii , groubka aan kujiro oo iyane rajeenayo iney kuwaas badalan waxaa leeyahey soo dhawada waxaann lee yahey dadkii iyo degankii . yaann hilmaaine madaxa radio ahne afhayennka ximann iyo xeeb waxaann lee yahey mesha aad shaqada kawado oo ah dhanka war baahinta wa ku mahadsann tahey, sidoo kale hannbalyo hanbalyo mudane madaxweyne . waxaan rabaa inaann halkaan kasheego arin ad moodo in aan idhaha ka qarasaneeno walow aann ku eeden karo wasaarada arimaha gudaha iyo caafimaadka . arinntaas oo ah waxa dadka wax bartey eerreeka ah loola xariiri la yahey oo uu u howl galila yahey hospitalka . waa kagaabin laga gaabshey dhankiii tacliinta iyo caafimaadka . daaro dhaadher wax mataraane dad tayo ley oo caafimad qabaa wax dhisto . waad mahedsantihiinn groubka wapkasida wacenn ee ad uhabeesenn wapsideka

  2. ibrahim mohamed salad says:

    asc horta marka hore sadx arin waa in wax laga qabtaa mida ugu horaysa waa nabadagalyada mida labaad waa c/fimaadka mida saexaad waa tacliinta markaa kadib aan usoo jeesano dhismo iyo wadooyin waayo sadxdaa aan sheegay hadii la helo daka waxbay qabsankaraan

  3. ASC marka hore dhamaan umada muslimiinta ah gaar ahaan shacbiga ximan iyo xeeb marka ku xegtana waxaan salaamayaa madaxwayneheena maxamed c/llahi aadan tiiceey waxana ku faraxsanahay sida uu wadankiisa ugu dagaalamayo waxan leeyahay guulayso waligaa shacbiga ximan iyo xeeb na waxaan leeyahay didaalkaas naloo didaalayo aan u ogaano madaxwayneheena waxad na ogaanaysiin sidaan ninkan uu u dagaalamayo inan somalina luugu dagaalamin marka walaalayaal Allaha naga dhigo ku wii dawladooda Aqoonsada

  4. caad says:

    asc waan kufarax sanahay idaacada loogu deeqay ximan iyo xeeb waxaana anigu dhihi lahaa halasiiyo gobolka xeeb gobolka ximan waxaaka shaqeeya radio gobolada dhexe xeebna idaacad malaha saas dartet xeeb halasiiyo

  5. Ugu horeyn asc wariyasha idaacada wa shuceyb soona oo idin leh gulaysta fmka wasarada lasiyay fmka idaacada ee muqdisho halaga dhigo wa talo madama an jeclahay dalkayga iyo dadkayga rer cadado




IMAGE OF THE DAY

hagafey

LATEST HEADLINES


maalmaha ciida

Godinlabe

Godinlabe oo laga dareemayo Mashquul farabadan oo ku aadan Munaasabada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio) Iyadoo Maanta ay ku beegan tahay Maalintii labaad ee Munaasabada barakeysan ee Ciidul Adxaa waxa ...
ganooooley

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb oo shacabka Soomaaliyeed u diray hanbalyada Ciida

 (Oct 27, 2012 Goboladaradio)  Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jimcaale Hagafey ayaa habalyada Munaasabada Ciidul Adxaa ...
DSC04922

Cadaado oo si weyn looga ciiday (Sawiro)

(Oct 26, 2012 Goboladaradio) Fagaaraha Weyn ee ku yaala Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ...